Baaritaan la marinayo Caafimaadka maskaxda Madaxweyne Trump oo dood adag ay ka taagan tahay

Buug cusub oo dhowaan laga qoray Madaxweyne Trump ayaa mar kale banaanka keenay dood horey u socotay oo ku saabsanayd xaaladda caafimaadka maskaxda madaxweynaha

Dooddan waxa ay socotay xitaa ka hor intii uusan xafiiska la wareegin, balse hadda waxa ay gaartay halkii ugu saraysay, iyada oo la hadal hayo in da’diisa awgeed ay hoos usii dhacayso awoodda maskaxdiisa.

Todobaadka dambe, madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in uu maro baaritaankii ugu horeeyay oo caafimaad oo xagga maskaxda ah tan iyo intii uu xilka qabtay.

Buugga uu qoray Michael Wolff ayaa lagu sheegay in Trump uu muujinayo astaamo kasii daraya oo ku saabsan in uusan maskax ahaan fiyoobeen.

Buugaag kale oo baddan oo laga qoray caafimaadka maskaxda Trump waxaa ka mid ah The Dangerous Case of Donald Trump oo uu qoray Bandy X Lee; Twilight of American Sanity oo uu qoray Allen Frances iyo Fantasyland oo uu qoray Kurt Andersen.

Dhaqtar xagga dhimirka ku taqasusay oo ka hawlgala jaamacadda Yale ayaa koox xildhibaano dimoqoraadi ah u sheegay in Trump uu waali maryaha dhigan doono xili aan dheereyn.

Waa arrin uu shaqadiisa ku weyn karo haddii la xaqiijiyo in uu waalanyahay, sababtana waxa ay tahay in qodobka 25 aad ee dastuurka Maraykanka uu dhigayo in haddii uu madaxweynaha waasho madaxweyne ku xigeenka uu la wareegayo xilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -