Allbanaadir.com
NEWS

Ku dhowaad 180 qof oo ku dhintay Shil dayuuradeed (Sawirro)

Ugu yaraan 178 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo saakay ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Koofureed.

Shilka ayaa yimid kaddib marki diyaaradda Jeju oo wadday rakaab gaaraya 181 qof ay ka baxday dariiqa ay diyaaradaha ku ordain marka ay duulayaan iyo marka ay soo dagayaan, sidaasi waxaa xaqiijisay wakaaladda wararka Kuuriya ee Yonhap.

Diyaaraddan ayaa ka soo duushay dalka Thailand, waxana ay ku wajahneyd magaalada Muan ee koofurta South Korea. Dab ayaa qabsaday diyaaradda kaddib marki ay darbi ku dhacday sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Wakaaladda Qaran ee Dabdabiska ayaa sheegtay in dabka intiisa badan la damiyay isla markaana ay wali socdaan howlaha gurmadka.

178 ka qof ee dhintay ayaa la sheegay in ay u dhinteen dabka. 32 gaadiidka dab damiska iyo diyaaradaha qummaatiga u kaca ayaa ka qeybgalaya howlaha dab damiska.

Afhayeen u hadlay shirkadda Jeju ee diyaaraddani leh ayaa sheegay in ay billaabayaan baaritaanno ku saabsan sababta keentay shilkani.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Wasiirkii Maaliyada dowlada Qatar oo xabsiga la dhigay & eedeymo culus oo loo heysto

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo ku dhawaaqday iney dhalatay bishii Shawal, ayna beri tahay Ciidul Fitri

Caydiid Ali

Xagee ku Dambeysay Amiiradii u dhalatay Imaaraadka ee baxsatay ?(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---