Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Asad Diyaano oo soo dhaweeyay Saraakiil Master Degree ah (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Saraakiil kasoo qalin jabiyey waxbarashada heerka labaad (Master Degree) oo dalka Dibadiisa ku maqnaa.

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan, waxaana ay xaqiijiyeen xafiis ahaan in si wanagsan uga faa’iideysteen fursadda waxbarasho ee dalka dibadiisa ugu maqnaayeen mudada dheer.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha soo dhameysatay Waxbarashada Hambalyo iyo Bogaadin la wadaagay , waxaana uu qiray in soo laabashadoodu ku soo aaday xilli loo baahnaa qeybna ka noqonayaan qorshaha horumarinta Ciidanka Booliiska si looga faa’ideysto aqoonta ay soo barteen.

Related posts

Koox loo heysto qaraxyada jidadka lagu aaso oo xukuno adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Digniin ku aadan xaalado adag oo ka dhalan kara Roobab isbuucan da’aya oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---