Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Pier Mario iyo xubno la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccò ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, isagoo bogaadiyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.

Related posts

Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo bilooyin kadib shaqo bilowday iyo Tarsan oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ayatollah Khamenei oo ansixinaya Madaxwerynaha KMG ee Iran iyo Muddada uu xilka…

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Laascaanood oo dagaal looga saaray Ciidamada Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---