Allbanaadir.com
NEWS

Kismaayo: Ciidanka Jubbaland oo fashiliyey qarax Miino

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda  dowladda Jubbaland ayaa caawa ku guuleystey fashilinta miino nooca dhajiska ah oo Al shabaab ay rabtay inay ku bartilmaameedsadaan shacabka Kismaayo.

Miinadan ayaa caawa ciidanka ku qabteen xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo, kadib markii shacabka xaafaddaasi ay laamaha amniga ku wargeliyeen.

Waxaa goobta ka qaaday oo markiiba gaaray ciidamada amaanka iyadoo aan qarxin, waxayna saraakiishu sheegeen iney ku daba jiraan kooxihii watay.

Kismaayo ayaa mudooyinkan aheyd meel ka nabdoon qaraxyada iyo weerarada kale ee ay geystaan Al Shabaab ka dib dedaalo ay sameeyeen ciidamada amaanka Jubbaland.

Related posts

Wariyihii gaarka ee Madaxweynaha Puntland oo caawa la xiray iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo shaaciyay in qalab Dowlada loogu deeqay lagu iibsaday Suuqyada

Cabdi Cade

Farmaajo oo booqday ciidamo Soomaali ah oo lagu tababarayo dalka Ugandha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---