Allbanaadir.com
NEWS

Xaflad soo dhoweyn ah oo loo qabtay agaasime Mustaf Dhuxulow (Sawirro)

Munaasabad lagu soo dhawaynayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odoyaasha dhaqanka, Dhalinyaro iyo haween ayaa looga hadlay Xilalka uu Agaasimaha Guud horay usoo qabtay iyadoo laga wada marqaati kacay in Agaasimaha uu horumar la taabankaro kusoo kordhin doono Hay’adda.

Agaasimaha Guud ayaa ugu dambayntii khudbadiisa ugu mahadceliyay dadka soo qaban qaabiyay munaasabadda isaga oo ballan qaaday in uu dedaal iyo juhdi fara badan galin doonto sidii loo hormarinlaha adeegyada kala duwan oo ay Hay’adu bulshada u qabato.

Related posts

Puntland oo heshay dukumentiyo sir ah iyo khariiraddii ay adeegsan lahayd Daacish

Cabdi Cade

Cabdi Xaashi & wafdigiisa oo booqday Masjidka Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali

Amiirka Al-Shabaab Abuu Cubeyda oo digniin adag ka soo saaray doorashooyinka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---