Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo la gudbiyey & Guddoomiye Mursal oo qabtay

Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow loo gudbiyey gudoonka golaha shacabka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa aqbalay Mooshinkaas ka dhan ah Madaxweynaha  sida aan wararka ku heleyno.

Tirada rasmiga ah ee Mooshinka ka geysay Madaxweynaha weli lama oga, balse Madaxweynaha ayaa waxaa mooshin ka keeni kara ugu yaraan 92 Xildhibaan oo ah saddex meel hal meel tirada guud ee baarlamanka.

Mooshinka oo ah mid xil ka qaadis ah ayaa la saaray shaabadda Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka, taasoo ka dhigeysa mid sharci ah, iyadoo arintan ay sii kordhineyso xiisadii maalmahaanba ka jirtay madaxtooyada iyo guddoonka Baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Axmed Madoobe oo Magacaabay Madaxweyne ku-xigeeno

Caydiid Ali

Maqaayad Casri ah oo laga furay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daacuun laayey dad boqol qof ka badan oo ka dilaacay gobolka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---