Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal xoogan oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha Baardheere

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay dagaal xoogan ku qaaday garoonka Diyaaradaha Degmada Baardheere oo saldhig ciidan u ah Ciidamada Itoobiya.

Sida aan Wararka ku helnay dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dhoor jiho ka weeraray garoonka Diyaaradaha Baardheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo si weyn looga dareemay Degmada Baardheere.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in si weyn u maqlayeen jugta culus rasaasta ay is dhaafsanayeen labada dhinac, waxaana dagaalka xalay uu ahaa mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee mudooyinkan ka dhaca Baardheere.

Dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka ku qaaday Saldhiga Milatari ee Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen garoonka Baardheere ayaa markii dambe dib ugu laabtay halkii ay weerarka kasoo qaadeen.

Wali lama oga khasaaraha dagaalkan xoogan kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac.

Al Shabaab ayaa weeraro kedis ah oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah mararka qaar ku qaada saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ku leeyihiin qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne hore oo baaq kasoo saaray Dagaal beeleed socda

Cabdi Cade

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo kulan iskugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo safar ugu ambabaxay Magaalada Kinshasa ee dalka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---