Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal saacado socday oo ka dhacay Muqdisho

Xaalada fagaaraha Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa degan ka dib markii ay maanta halkaas ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan DF oo qaab beeleed u abaabulan.

Dagaalka oo saameyn ku ku yeeshay socodka dadka iyo gaadiidka ee nawaaxiga xaafada tarabuunka ayaa salka ku hayey muran la xiriira dhul dan guud ah oo ku yaalla agagaarka Tarabuunka.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in dagaalka uu joogsaday ka dib markii dhinacyada dagaalamay ay kala dhex galeen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowlada Somalia oo ku baxay shaqaaqadaas.

Ugu yaraan shan qof oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkan, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dib u soo laabtay socodkii dadka iyo gaadiidka ee xaafada Tarabuunka.

Laamaha amaanka ee dowlada Somalia ayaan ka hadlin iska horimaadkan oo lagu tilmaamay mid macno daro ah oo amniga khal khal gelinayo, wuxuuna ku soo beegmay xili shacabka Muqdisho ay la murugeysan yihiin waxyeeladii ka dhalatay qaraxii shalay ka dhacay Ex-control Afgooye oo ay ku dhinteen dad ku dhow boqol qof halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoo nolol iyo geeri lagu weysan yahay qaar kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Indhacadde oo ka digay qaraxyo lala damacsan yahay siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale

Caydiid Ali

Baarlamanka Somalia oo ku dhegan Wasiirkii amray in la xiro Tiktok iyo aalado kale

Caydiid Ali

Al Shabaab oo ka hadashay Dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---