Qaraar ka dhan ah Go’aankii Donald Trump oo loo gudbiyay Golaha Amaanka

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa loo gudbiyay qaraar ka dhan ah Go’aankii Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus Caasimada Israa’il.

Qaraarkan oo qabyo ah ayaa loo gudbiyay xubnaha golaha Amaanka , waxa uuna qaraarkan waxbo kama jiraan ku tilmaamay in hal dhinac go’aan ka gaaro Mustaqbalka magaalada Barakeesan ee Qudus.

Waxa uu qaraarkan ugu baaqay dalalka kale ee xubnaha ka ah golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay ka fogaadaan in Safaaradahooda kuyaala magaalada Talaviv u raraan magaalada Qudus .

Qaraarkan looga soo horjeedo go’aankii Mareykanka ayaa lasoo sheegayaa in uu heesto taageerada inta badan wadamada xubnaha ka ah Golaha amaanka, hasa ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in dowlada Mareykanka ay qaraarkan saarto codka diidmada qayaxan ee Veto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -