Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dad badan oo ku dhintay rasaas lagu furay dad dhigayey dibed cabasho ah

Booliska Myanmar ayaa rasaas ku furay dad dibadbaxyo ka dhigayay dalkaas kuwaasoo kasoo horjeeda militeriga xukunka la wareegay.

Shaqaalaha caafimaadka waxay sheegeen in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen dibad-baxyada.

Waa dibadbaxyadii ugu dhimasho badnaa ee ka dhaco Myanmar tan iyo bishii Febraayo markii xukunka si afgembi ah ula wareegeen militeriga.

Laamaha amniga ayaa adeegsanayay rasaasta cagga ah iyo rasaas nool nool si ay u kala eryaan dad isugu soo baxay saddexda magaalo ee kala ah Yangon, Bago iyo Dawei.

Myanmar waxaa toddobaadyo ka socdaa dibadbaxyo lagu codsanayo in lagu soo daayo hoggaamiyihii dalkaas Aung San Suu Kyi oo ay militeriga xireen.

Muuqaallo baraha bulshada lasoo dhigayay ayaa muujinayay dadka banaanbaxa dhigaya oo kala cararaya iyadoo warar aanan la xaqiijin ay sheegayaan in tirada dhimashada ay intaas ka badan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda sare ee dalka oo go’aan kasoo saartay dacwadii Fahad Yaasiin u gudbiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare Oo La Kulmay Saraakiil Sare Sare Oo Ka Tirsan Ciidamada Qalabka Sida (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo duqeyn dhimasho sababtay ka geystay Yemen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---