Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe: “Xal ayaa laga gaaray dhacdadii 27kii November”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka oo xal ka gaaray dhacdo 27-kii Bishii November ka dhacday Golaha Shacabka ka dib markii Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka uu gacan u qaaday askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaanka oo askariga ka raali geliyay falkii gacan qaadka ahaa oo uu kula kacay ayaa dhankiisa aqbalay raali gelinta Xildhibaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay soo afjerida dhacdadaasi iyo in ugu dambeyn xal laga gaaro.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cajiib oo ay wehliyaan xubnaha Guddiga , Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo sidoo kale Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Related posts

Aqalka sare oo soo fara geliyey khilaafka dowlada dhexe & dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Israel oo caro & cambaareyn caalami ah kala kulantay dilka shaqaale samafal

Caydiid Ali

Joe Biden oo ku hanjabay in Jawaab ka bixin doonaan weerar looga dilay askar badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---