Allbanaadir.com
NEWS

Joe Biden oo ku hanjabay in Jawaab ka bixin doonaan weerar looga dilay askar badan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa si adag uga hadlay weerar askar badan looga dilay loogana dhaawacay oo ka dhacay saldhig ciidankooda ku leeyihiin deegaan dhaca waqooyi bari dalka Urudun .

Joe Biden ayaa ku hanjabay in jawaabo deg deg ah ka bixin doonaan weerarka dhinaca cirka ah ee lagu beegsaday ciidankooda, waxa uuna weerarkan ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxo maleeshiyaad ah oo taageera ka hela dalka Iran.

Weerarkan ka dhacay saldhiga ciidamada Mareykanka ku leeyihiin meel u dhaw xadka ay wadaagaan dalalka Urudin iyo Syria ayaa lagu dilay saddex askari, halka dhaawacyo kala duwan kasoo gaareyn in ka badan 25-askari.

Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa loo adeegsaday weerarkan lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka, weerarkan ayaana noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee la kulmaan muddooyinkan dambe ciidamada Mareykanka ee jooga bariga Dhaxe.

Dowladda Iran ayaana beenisay in weerarkan lagu dilay askarta Mareykanka ay ku lug leeyihiin, hasa ahaatee Mareykanka ayaa aaminsan in weerarkan kooxo Shiico ah oo Iran taageerto kuna sugan Iraq iyo Syria ay ka dambeeyaan weerarada lagu beegsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-bax ka dhan ah Farmaajo oo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

RW Rooble oo Digniin kama dambeys ah siiyey Guddiyada Doorashooyinka

Caydiid Ali

Dal Yurub ka tirsan oo Iskuulada ka mamnuucay in gabdhuhu xirtaan Cabaayadaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---