Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ka furmay Beijing (Daawo Sawirro)

Magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha waxaa goor dhow ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

Madaxweynaha Shiinaha ee martigelinaya shirka Xijinping ayaa furay shirka maanta oo Axad ah waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha dalalka Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xi Jinping, in Shiinaha iyo Afrika ay leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay mira dhalka qodobada la isku afgarto ee ka soo baxa shirka.

“Waannu ixtiraamnaa Afrika, Waannu jecel nahay Afrika, waanna taageernaa Afrika,” ayuu ku yiri madaxweynaha Shiinaha Khudbaddiisa furitaanka shirka uu ka jeediyay.

Shirka oo labo maalin socon doona ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -