Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Mursal oo Magaalada Lefkosa kula kulmay dhigiisa Mr. Teberruken Ulucay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaziiradda Qubrus mudane Teberruken Ulucay.

Guddoomiyaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Lefkosa ee Waqooyiga Qubrus ayaa dhigiisa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii wadajir la isaga kaashaan lahaa arrimaha horumarinta iyo aqoon kororsi dhexmara labada baarlaman.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay Jaziiradda Qubrus waxa uu la kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweynaha dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay tirada ciidamada Itoobiya uga dileen Weerarkii maanta

Cabdi Cade

Xukunno kala duwan oo lagu riday Sufyaan Taakeeye iyo kooxdii raacsaneyd

Cabdi Cade

Dal Yurub kuyaala oo laga dalbaday in uu dib usoo celiyo farshaxanadii Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---