Allbanaadir.com
NEWS

Hub Casri ah oo la siinayo Ciidamada Dowlada ee lagu tababarayo Saldhiga Turkiga

Saldhiga Milatari ee dowlada Turkiga ka furtay magaalada Muqduso ayaa lagu tababarayaa Ciidamo iyo saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya, waxaana tababar siinaya Saraakiil iyo Khubaro Milatari oo Turkiga u dhashay.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu horumarinayo ciidamada dowlada loo tababarayo, waxaana Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya sheegtay in ciidanka loo tababarayo la siin doono hub casri ah ay ku hool galaan.

Wasiiru Dowlaha Wasaardda Gaashaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in saldhiga Milatari ee Turkiga lagu diyaarinayo ciidamo tababar fiican oo kamid noqonaya ciidanka iyo Saraakiisha Milatariga.

Mudane Xagaa ayaa sheegay in ciidanka dowlada marka tababarka u dhamaado la siin doono hub iyo qalab casri ah ay ku howlgalaan kulana dagaalamaan dagaalyahanada Al Shabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in ay heestaan ciidamo horey loogu tababaray milatariga balse ciidankan lagu tababarayo saldhiga Turkiga la siinayo tababar dheeraad ah iyo hub casri ah ay ku howlgalaan.

Dowlada Turkiga ayaa magaalada Muqdisho duleedkeeda ka furatay saldhig Milatari oo loogu tala galay in lagu tababaro ciidanka iyo Saraakiisha milatariga Soomaaliya, waxa ayna ciidankaasi noqon doonaan kuwa ka tayo wanaagsan kuwa hada shaqeeya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed oo xilka iska casilay

Caydiid Ali

Dood kulul:-Yaa hortaagan Nabada Maamulka Galmuduig !! Qaybta 1aad

admin

Al-Shabaab oo nin 70 jir ah ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Tayeeglow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---