Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo duqeeyey shacab ku dabaaldegayey Xalab (Sawirro)

Diyaaradaha Ruushka ayaa duqeeyay bartamaha magaalada Xalab oo ay ka socdeen isku soo baxyo dabaal-deg ah oo ay dhigayeen dadka Xalab, iyadoo la arkay tobannaan meyd oo rayid ah oo goobta uu jirkooda ku kala go’ay.

Madaxweynaha Suuriya , Bashaar Al-Assad oo si deg deg u tagay Moscow oo la sheegay inuu la kulmay Putin, ayaa dib caawa ugu soo laabtay Dimishiq, iyadoo la arkay in Ruushka uusan qaadin tallaabooyin ku filan oo lagu joojin karo xooggaga mucaaradka ee qabsaday magaalada Xalab , taa oo ka dhigan guusha ugu weyn ee dagaalka ay ka gaarayaan mucaaradka muddo siddeed sanno ka badan.

Suuriya ayaa Ruushka ka heshay ballan qaad ah kaalmo militari oo dheeri ah si ay u xoojiyaan dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga dhaqdhaqaaqa mucaaradka oo la wareegay gacan ku haynta gobolka Xalab ee waqooyi-galbeed ee dalkaas. Dimishiq ayaa filaysa imaanshaha qalab cusub oo militari oo Ruushku leeyahay saldhigga Hmeimim ee u dhow Latakiya 72 saacadood gudahood, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ciidanka ka amarqaata Bashaar Al Assad , ayaa shalay illaa xalay isaga baxay magaalada Xalab, taa oo u suragelisay muddo taban sanno kaddib inay xooggaga mucaaradka gacanta ku dhigaan magaalada , kuwaasoo howlgallo dardar ku socda Arbacadii ku qabsaday dhammaan deegaannada ku hareerasay Xalab.

Goob joogayaal ayaa sheegay in laba weerar oo dhinaca cirka ah oo ka dhacay cirifka magaalada goor dambe oo jimco ah lala beegsaday ciidamo xoojin ah oo fallaagada ah oo ay ku dhaceen meelo u dhow guryaha. Kormeere dagaal ayaa sheegay in 20 dagaalyahan laga dilay.

Ciidamada qalabka sida ee Suuriya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay ka fal celin doonaan weerarka ballaaran ee lagu qabsaday Xalab, ayna dib uga gurteen magaalada si ay isugu diyaariyaan weerar rogaal celis ah.

War saxaafadeedka ayaa lagu qiray in kooxo lagu sheegay nabad diid ay soo galeen qeybo badan oo kamid ah magaalada ayna talaabo adag ka qaadi doonaan.

Xoogaga mucaaradka ayaa muuqaal laga duubay banaanka xarunta booliiska, bartamaha magaalada iyo bannaanka magaalada Xalab. Waxay jeex jeexeen boorarkii Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad, qaarna ay cagta mariyeen halka qaar kalena ay gubeen.

     

Related posts

Wasiirro kormeeray Buunadda Buuloburde oo dhawwaan Al Shabaab qarxiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan oo heshiis horu dhac ah gaaray iyo Masar oo shaacisay …

Cabdi Cade

Mareykanka oo hanjabaad usoo diray Uganda ugana digay hirgelinta Sharci ka dhan ah…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---