Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu wasiir Wartaag ku soo arkay Matxafka Marshal Tito? (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo weli ku sugan dalka Serbia ayaa maanta booqaday Matxafka Marshal Josip Broz Tito, aasaasihii Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia.

Howlwadeenada Matxafka ayaa si qoto dheer uga faalooday taariikhda Marshal Tito, laga soo bilaabo dhalashadiisa sanadkii 1892, wax barashadiisii, waxqabadkiisii inta uu hoggaamiyaha ahaa iyo saameyn uu ku lahaa Siyaasaddaha iska soo horjeeda laga soo bilaabo 1943 ilaa 1980.

Marahal Josip Broz Tito Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia, waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalkeenna  Allaha u naxariistee Xaaji Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Tito waxaa uu Soomaaliya booqasho ku tagay in ka badan 5 jeer ka hor inta uusan geeriyoon, wuxuuna ahaa hogaamiye caan ah oo si weyn looga yaqaan caalamka.

Related posts

Muuqaal iyo Warbiixn :- Soomaalida ku nool Masar oo ka sheeganaya Dhac, Jir-dil & Faquuqa Booliiska

admin

DEG DEG: Muuse Suudi oo mar kale loo doortay Senator ka tirsan Aqalka sare ee Somalia

Caydiid Ali

Aabe dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, ka dibna isagii isdilay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---