Allbanaadir.com
NEWS

Shiikh Sudeis oo ka cararay Sacuudiga, una guuray dalka..

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in wadaadkii caanka ahaa ee Imamka ka ahaa masjidka Xaramka ee dalka Sacuudiga Sheekh Sudeysi uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ku noolaado Turkiga.

Ka dib isbadalada xowliga ah ee diinta baal marsan oo u go’aansaday dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salman, Culimo badan ayaa Qaarna xabsiyada la dhigay qaybna caalamka u baxsaday.

Madaxa ugu sareeya labada Xarameyn ee shariifka Shiikh C/raxman Al Sudeys ah ayaa booqasho ku tagay ankara 2022 hase ahaate hadda waxaa la sheegaya in uu imaamka ugu sareeya ka noqonayo maasjidka Ayasofia ee dalka Turkiga ugu weyn.

ErdoÄŸan oo ah nin xagga diinta aan laga marin ayaa aad ula dhacsan haddii sheeekh Sudeis uu doortay turkiga in uu ku helo meeqaam sare.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa wada olole balaaran oo dalkaas uu uga guurayo nidaamkii Diinta, kaasoo loo bixiyey qorshaha siyaasadaha furfuran oo lagu raali gelinayo dalalka reer galbeedka.

Related posts

Iran oo fulisay weerar carruur ku dhinteen kana carreesiiyay dowlad Nukliyeer heesata

Cabdi Cade

Sirdoonka Somaliland oo qabtay agab la sheegay in loo waday Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Axmed Madoobe oo casho sharaf loogu sameeyey Madaxtooyada Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---