Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Zelensky oo soo jeediyay qorshe xal u noqon kara dagaalka Ukraine

Madaxweynaha dalka Ukraine,Volodymyr Zelensky, ayaa markii ugu horreysay soo jeediyay qorshe xal u noqon kara dagaalka ka socda dalkiisa ayna qeyb ahaan ku qanci karto dowladda Ruushka, xilliga laga cabsi qabo in dagaalka sii xumaado la iskuna adeegsado hub awood badan.

Volodymyr Zelensky, oo wareysi gaar ah xalay siiyay Sky News , ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in Ruushka ku wareejiyaan gobolada uu hadda ka heesto dalka Ukraine, si dhankooda Ruushka u oggolaadaan gobolada kale ee Ukraine u haray ay ku biiraan isbaheysiga NATO.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Ukraine, in marka la gaaro heshiis xabbad-joojin ah inay iskudayi doonaan hab diblomaasiyadeed inay ku soo ceshadaan dhulka gobollada bariga ee dowladda Ruushka ay dagaalka ku qabsatay.

Madaxweynaha Ruushka Putin , ayaa horey u sheegay in dagaalka Ukraine lagu joojin karo shuruudo ay kamid yihiin in Ukraine ay ciidankeeda ka saarto afarta gobol ee kala ah; Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporozhye oo uu ku sheegay aftidii laga qaaday inay ku biireen Ruushka.

Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Ruushka shuruudaha dagaalka Ulraine lagu joojin karo ku daray in marka hore dowladda Ukraine ka tanaasusho rabitaankeeda ku aadan in ay ku biirto gaashaanbuurta NATO, iyo in sidoo kale reer Galbeedka cunaqabateynta ay kusoo rogeen ka qaadaan.

Madaxweynaha Ukraine , ayaana wali ka tanaasulin rabitaankiisa in dalkiisa ku biiro kamid noqoshada NATO, taa oo dowladda Ruushka si weyn u diidan tahay, hasa ahaatee waxa uu hadda oggolaaday kaliya in gobolada Ruushka heesto in ay qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada PSF oo lagu arkay Deegaanno katirsan Galmudug iyo Ujeedkooda oo la ogaaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden & dhigiisa Erdogan oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $23 Bilyan

Caydiid Ali

Farmaajo ma Magaalada Baladweyne ayuu weerar toos ah ku qaadey?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---