Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dhiig badan ku daatay oo ka dhacay xadka Hiiraan iyo Sh. Dhaxe

Dagaal beeleed khasaaro badan oo nafeed dhaliyay , ayaa shalay ka dhacay deegaanno dhaca xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ku dagaallamay labo beeleed oo aagaasi wada dega.

Sida aan wararka ku helnay dagaal beeleedkan ayaa shalay galinkii dambe si xooggan uga dhacay deegaanka Ceeldheere oo dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna labada maleeshiyo beeleed ee dagaallamayay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalka u dhaxeeyay, waxaa sidoo kale jira dad kale oo ku dhaawacmay dagaalka , kuwaa oo loo qaaday goobo caafimaad oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Xaalada deegaannadii shalay ay ka dhaceen dagaalka ayaa wali laga soo sheegayaa in ay kacsan tahay , waxaana jira cabsi laga qabo in ay mar kale i farasaaraan oo dagaallamaan labada maleeshiyo beeleed ee shalay dagaallamay.

Dowladda goboleedka Hirshabelle iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaan wali qaadin tallaabooyin lagu qaboojinayo dagaal beeleedka ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxaana dhinacayada dagaalamaya waan waan ka dhax wada odayaal labada dhinac kasoo kala jeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo War cusub kasoo saartay dagaalka saakay dib uga qarxay Deegaanka Tukaraq

Cabdi Cade

Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar oo Gaadiid la siiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dad la il darnaa cudurka halista ah ee Ebola oo ku firxaday magaalo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---