Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidamada PSF oo gacanta ku dhigay ninkii sameeyay qaraxii ka dhacay deegaanka Milxo

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland oo magacooda loo soo gaabiyo PSF, ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen Boosaaso kusoo qabtay nin lagu tuhmayay in uu sameeyay qarax miino oo dhawwaan ka dhacay deegaanka Milxo ee degmada Laasqoray.

War kasoo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in ciidamada baaris kadib heleen xogta ninkii farsameeyay qaraxa miino ee ka dhacay maqaayad kutaalla deegaanka Milxo, kaa oo galaaftay nolosha lix qof oo shacab ahaa .

Ciidamada ayaana guri kuyaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kasoo qabtay ninkan lagu tuhmayo in uu sameeyay qaraxii miino ee ka dhacay maqaayada deegaanka Milxo ee hoostaga taga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada gaarka ah ee PSF ayaa loogu mahadceliyay dadkii gacanta ka geestay soo qabashada ninkan la tuhmayo in uu ka dambeeyay qaraxa dhaliyay khasaaraha badan.

Qaraxa miino ee ka dhacay deegaanka Milxo ayaa lala beegsaday maqaayad ay ku sugnaayeen dad xoogsato ah oo qoda macdanta , waxaana qaraxan cabsi badan ku abuuray xoogsatada halkasai macdan qodista u joogta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada DF & kuwa Maraykanka oo howlgal ku dilay sarkaal ka tirsana Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dood adag oo ka taagan in Gabar noqon karto Qaadiga Muslimiinta dalka Kenya

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Ciidanka Cirka Maraykanka qeyb ka ahaayeen Weerarkii Iran?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---