Allbanaadir.com
NEWS

Cabbaas oo Magacaabay shaqsiga bedelaya & Israel oo..

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa magacaabay qofka sida ku-meel gaarka ah xilka ula wareegi doona haddii uu geeriyoodo ama uu xilka ka tago, isaga oo waxa ka qabanaya walaaca laga qabo in firaaq dhinac awoodda ah uu dhaco marka uu xilka ka tago.

Bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii ayuu Cabbaas ku sheegay in guddoomiyaha Golaha Qaranka Falastiin uu si ku meel gaar ah u hayn doono xilka, wax aan ka badan 90 maalmood, xilligaasi oo ay tahay in la qabto doorasho madaxweyne.

Guddoomiyaha hadda ee guddiga ugu sarreeyaa go’aan gaarista Falastiin waa Rawhi Fattouh, oo 75 jir ah, oo sidoo kale muddo kooban soo noqday hoggaamiye ku-meel gaar ah ka dib geeridii Yaasir Carafaat ee 2004.

Cabbaas, oo 89 jir ah, waxa uu ahaa madaxweynaha Falastiin tan iyo 2005, waxaana sannadihii u dambeeyay uu wajahayey dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah, taasi oo keentay in la isla dhex maro cidda beddeli karta marka uu ugu dambayn dhinac istaago.

Cabaas ma lahan ku xigeen, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters horaantii bishan in Sacuudi Carabiya ay ku cadaadiyeen in uu mid magacaabo.

Ku dhawaaqidda uu Cabaas sameeyey Arbacadii ayaa meesha ka saaraysa hubanti la’aanta ku saabsan waxa dhici doona marka uu dhinto, laakiin Fattouh looma magacaabin ku-xigeenkiisa, taasi oo la macno ah inaan wali la aqoon cidda bedeli karta Cabbaas mustaqbalka fog.

Wasiirka beeraha ee Israa’iil, Avi Dichter, oo xubin ka ah golaha ammaanka gudaha, ayaa koox saxafiyiin shisheeye ah u sheegay toddobaadkan in ciidammada Israa’iil ay la wareegi doonaan Daanta Galbeed haddii qof ka tirsan kooxda Xamaas uu isku dayo inuu madaxweyne noqdo.

Cabbaas ayaa xilka loo doortay 2005 muddo afar sano ah, balse tan iyo xilligaas ma dhicin wax codbixin ah, waxaana hadda uu yahay mid dadku naceen, ayada oo ra’yi ururin la sameeyay bishii September ay muujisay in 89% Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ay doonayeen inuu xilka iska casilo.

Related posts

(Sawirro) QM oo qeybtii ugu horeysay dhaqaalaha doorashada ku wareejisay DF

Caydiid Ali

Musharax Guuleed oo sharaxay Sababaha keenay amaan darada dalka kusoo korortay

Cabdi Cade

Madaxweynaha Puntland oo Weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Dowlada Federaalka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---