Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal ka dhan ah ciidamada Suuriya iyo Xisbullah oo ka bilowday gudaha dalka Suuriya

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya ee ka soo horjeeda maamulka Bashaar Al-asad oo inta badan gacanta ku haya waqooyi-galbeedka Suuriya ayaa si lama filaan ah shalay u billaabay duulaan ballaaran oo ay ku burburiyeen ciidanka Suuriya ee taabacsan Asad iyo saldhigyada ururka Xisbullah, iyagoo kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla galbeedka gobolka Xalab – oo ay ku jiraan Sheekh Caaqil, Jamiyat Al-Maari, Bala iyo Urem Al-Kubra.

Muxuu yahay howlgalkan?

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee ka soo horjeeda nidaamka Suuriya ee sunniyiinta, ayaa soo muujiyay in howlgalkooda yahay dagaal dhab ah oo ay ku doonayaan inay ku burburiyaan nidaamka Asad, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay inay la wareegeen saldhiga 46-aad ee istaraatiijiga ah ee ciidanka Suuriya ay ka hagayeen howlgallada waqooyiga-galbeed Suuriya. Howlgalka waxaa loogu magac darray ‘ka-hortagga gardarrada ah’, waxaana ujeeddadiisa ay ku sheegeen dhaqdhaqaaqa mucaaradka mid ay uga fogeynayaan gobolka waqooyi-galbeed joogitaanka ciidanka Asad iyo kooxaha ay Iran taageerto oo ururka Xisbullah uu hoggaamiyo.

Duullaankan ka hor , diyaaradaha Israa’iil ayaa toddobaadkii u dambeeyay jogteeyay duqeymaha ay ka geysanayaan dhammaan saldhigyada ku dhow aagga uu hadda dagaalka ka socda ee galbeedka gobolka Xalab, tana waxaa loo arkaa inay u fududeysay dhaqdhaqaaqa mucaaradka inay si dhaqso ah u gaaraan guulo iyo inay deegaanno ka qabsadaan ciidanka Suuriya. Ma garanayo waxa isku xiray duqeymaha Israa’iil iyo duullaankan! balse si cad Suuriya hadda waxay gashay dagaal soo afjaraya xabbad-joojintii farsamo ahaan u jirtay tan iyo bishii Maarso,2020.

Duullaankan ayaa sidoo kale ceebeynaya ciidanka Ruushka ee taageerra ciidanka Suuriya ee maamulka Asad, tani waxay la xiriirta inuu Ruushka u oggolaaday diyaaradaha Israa’iil inay xor ah duqeymo ugu garaacaan ciidanka Suuriya iyo kooxaha ay Iran taageerto ee garab-taagan Asad, sababtoo ah Israa’iil ayaa u arkaysa mid u leh mudnaan in gudaha Suuriya lagu cadaadiyo Xisbullah iyo kooxaha ay Iran taageerro oo awooddooda ay taallo Suuriya , halka Xisbullah khadka ugu muhiimsan ee saadka uu yahay Suuriya. Waxyar ka hor , Ruushka ayaa diyaaradahiida dagaalka ee ku sugnaa saldhigga Hmeymim u duuliyay dhinaca goobaha ay isku ballaarinayaan kooxaha mucaaraadka.

Waa waqti hore, balse si cad waxay Xisbullah saacado gudahood ku dhadhaminaysa cawaaqibka aan u wanaagsanayn ee xabbad-joojinta ay la gashay Israa’iil, maaddama ay hadda Israa’iil helayso gacan furan oo ay ku ballaarin karto weerarradeeda gudaha Suuriya, iyadoo xalay laga maqlay Netanyahu inuu Bashaar Al-asad ku ‘ciyaarayo dab’, tan oo uu ula jeedo in dhulka Suuriya uu noqday kaydka iyo wax soosaarka kooxaha ay Iran taageerto.

Adeegsiga diyaaradaha;

Dhaqdhaqaaqyada mucaaradka, waxay duullankooda ku soo muujiyeen adeegsiga noocyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo aan horey loogu arag , taa oo dhaali-tiri karta nooc kasta oo dagaal oo ay la galayaan ciidanka Suuriya iyo kooxaha taageerraya ee Xisbullah iyo ururrada kale, sida dhaqsada ah ay dhul ballaaraan isugu fideeyeen ayaa sidoo kale laga arki karay in howlgalka ay maanta billaabaan yahay mid uu qorshihiisa socday, baro telegram oo taageerra ciidanka Ruushka ayaa sheegay in dhinaca dhaqdhaqaaqyada mucaaradka laga arkay toddobaadyadii u dambeeyay dhaqdhaqaaq is diyaarin dagaal ah oo aysan horey u sameyn, balse ma jirin cid xog ka heysay xilliga ay billaabayaan duullaan dagaal.

Khariirada waxay ku tuseysa qeybaha ay shalay qabsadeen dhaqdhaqaaqa mucaaraadka oo midka baluugga ah la mariyay..!

W/Q Imam Jamac

Related posts

Masuul Soomaali ah oo Shaaciyay in uu ku biirayo Dagaalka ka dhanka ah TPLF

Cabdi Cade

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay kantaroolka waqooyi ee Gaalkacyo iyo gaadiid badan oo…

Cabdi Cade

Dagaal mar kale ka qarxay degaanka Kaxandhaale & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---