Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo dib u bilaabaya mashaariic dhismo oo Muqdisho laga fulinayo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alper Akta, iyaga oo kawada hadlay dardargalinta mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Jamhuuriyada Turkiga iyo shacab keeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed gaar ahaan fulinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada dhinaca Amniga, sidoo kale Guddoomiye Madaale ayaa Turkiga uga mahadceliyay kaalinta uu ka qaatay dib usoo kabashada Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alper Akta ayaa balan qaaday in Dowladda Turkiga ay cusbooneysiin doonto mashaariicda dib udhiska la xariira gaar ahaan dhismaha Wadooyinka, iyo xarumaha danta guud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay muhiimada ay u lee dahay dib udhiska Wadooyinka Caasimadda, shaqa abuurka dhallinyarada iyo hirgalinta xaruma lagu daryeelo caruurta darbi jiifta.

 

Related posts

Mareykanka oo ka hadlay duqeymo ay la beegsadeen saldhigyo ay leeyihiin Kacaanka Iran

Cabdi Cade

Beesha Xawaadle oo go’aansatay in askartii lagu dilay Ceel-baraf..

Caydiid Ali

Haweeney Reer Afganistan oo ku dhax Umushay Diyaarad Milatari Mareykanka leeyahay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---