Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiisyo lala galay sadex dal

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa  yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah  oo kala ah hindise sharciyeedka iskaashiga  Garsoorka Caalamiga ah.

Heshiisyada la ansixiyey waxaa ka mid ah heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, iyo dib u xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al shabaab, iyadoo Goluhu uu meel-mariyey heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Related posts

Maxkamada Hargeysa oo mar kale xukun xabsi ah ku riday Boqor Buurmadow

Cabdi Cade

Muxuu Cali Guudlaawe ku soo arkay xarumaha Hirshabelle ee Jowhar? (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca oo arrimo muhiim ah kala hadlay Raisedon Zenenga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---