Muxuu Cali Guudlaawe ku soo arkay xarumaha Hirshabelle ee Jowhar? (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka iyo Qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha Dowladda Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda Xarumaha Maamulka Gobolka iyo kan degmada Jowhar waxa uuna kulan la qaatay Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Jowhar isagoo faray in la dardargaliyo u shaqeynta bulshada.

Cali Guudlaawe oo kormeerkiisa sii wata ayaa gaaray xarumaha Wasaaradaha Beeraha Howlaha Guud, Maaliyada iyo Arrimaha Gudaha isagoo mid mid u booqday xafiisyada iyo sida ay shaqeeyaan waxa uuna la kulmay shaqaalaha iyo howlwadeenada wasaaradaha waxa uuna kula dardaarmay inay laba laabaan shaqooyinka adag ee bulshada u hayaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ka socda wasaaradaha uu maanta booday isagoo ku dhiirigaliyay Wasiirada Wasaaradaha uu maanta booday inay dardargaliyaan shaqooyinka Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -