Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo maanta mar kale loo dooranayo Madaxweynaha Jubbaland

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah mar kale magaalada Kismaayo loogu doorto Madaxweynaha maamulkaasi, kaddib doorasho matiijada kasoo baxeysa lasii ogyahay oo halkaasi ka dhaceysa.

Axmed Madoobe waxaa doorashada maanta dhaceysa kula tartamaya dhowr musharax uu isagu wato, kuwaa oo qaarkoodba laga yaabo in ay tanaasulaan, halka musharaxiinta kalana aysan helin doonin codad ay kaga guuleestaan Axmed Madoobe.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaana saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo kuyaalla magaalada Kismaayo, waxaana saakay xiran qaar badan oo kamid ah goobaa ganacsi ee kuyaalla magaalada Kismaayo.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa horey u sheegay in Axmed Madoobe kaligiis isku caano shubayo, waxa uuna caddeeyay in aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda doorashooyinka ka dhacaya magaalada Kismaauo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee Inter-Parliamentary Union (Sawirro)

Caydiid Ali

Lix qof oo caawa siyaabo kala duwan loogu dilay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidamada Puntland oo diyaargarow ugu jira soo afjarida Daacish (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---