Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo shaaciyey kheyraad ceegaaga xeebaha Somalia

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in shidaal iyo gaaska dabiiciga ah uu dhex ceegaago xeebaha Somalia

Intii uu ku jiray khudbad uu ka.jeedinayay baarlamanka Dalkiisa ayuu Madaxweynuhu ka sheekeeyay guulaha uu gaaray Markabka shidaalka ka baaraya Soomaaaliya ee Turkigu leeyahay.

“Baaritaanadii laga sameeyay Badda Soomaaliya waxaa lagu arkay kheyraad iska ceegaaga, baarayaasheena waxay noo sheegeen in Somalia hoggaan u noqon karto wax soo saarka Shiidaalka caalamka” ayuu yiri Erdogan.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii la soo saaro Kheyraadkan kaliya uusan anfici doonin Somalia ee xitaa kobaca dhaqaalaha Turkiga uu kaalin weyn ka galayo.

Turkiga ayaa Somalia u soo diray maraakiib sahan iyo baaritaan ka wada xeebaha Somalia kuwaasoo haatan warbixinada hordhaca ah ay sheegayaan in natiijo wanaagsan laga gaaray,

 

Related posts

Xiliga ay Dhaceyso Doorashada Gudoonka Baarlamanaka Galmudug oo la shaaciyay

Cabdi Cade

(Magacyada) Hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo qabtay howlgal caawa ka dhacay Sh/hoose

Caydiid Ali

(Akhriso) Midowga Musharaxiinta oo qoraal deg deg ah ka soo saaray Ciidamada la dul dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---