Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne kuxigeenka Turkiga iyo Wasiirka Difaaca DFS oo arrimo muhiim ah ka…

Wasiirka wasaaradda Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxa uu kulan kula qaatey Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi  mudane Cevdet Yılmaz, iyagoo ka wada hadlay xiriirka wanaagsan ee labada waddan ka daxeeya.

Labada masuul ayaa sidoo kale inta ay kulankooda socday kawada hadlay arrimo kale ay kamid yihiin dhinaca amniga iyo sidii ay labada dal isku kaashan lahaayeen, waxa uuna Wasiirka Difaaca ka codsaday Madaxweyne kuxigeenka Turkiga in ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa madaxweyne ku xigeenka dalka aan walaallaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Cevdet Yılmaz, soo dhawayntii wanaagsanayd ee uu noo sameeyey. Intii uu kulanku socday waxaan uga mahadceliyey Jamhuuriyadda Turkiga taageerada qiimaha leh ee ay siiyeen nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxa ayna Turkiga tababaro siiyaan ciidanka kala duwan ee dowladda gaar ahaan kuwa kumaandooska Gorgor iyo kuwa sida booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya Cali Cumar Tawakal iyo dad kale oo lagu dilay degmada Afgooye

Caydiid Ali

Sacuudiga oo daqiiqadihii ugu dambeyay dib u dhigay fulinta qisaasta nin Kenyaan ah

Cabdi Cade

Dhaawacyada Injineero Turki ah oo saakay laga qaaday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---