Dhaawacyada Injineero Turki ah oo saakay laga qaaday magaalada Muqdisho

Waxaa saakay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo degtay diyaarad caafimaad oo leedahay milatariga Turkiga oo loogu tala galay in magaalada Muqdisho ka qaado dhaawacyada Injineero Turki ah oo ku dhaawacmay qaraxii Afgooye.

Diyaarada ayaa qaaday 9 qof oo ay ku jiraan injineero Turki ah iyo qaar kamid ah dadkii kale ee ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Degmada Afgooye ee lala eegtay Injineerada ku howlan dhismaha laamiga Muqdisho iyo Afgooye.

Dhaawacyadan oo sadexdii maalin ee lasoo dhaafay lagula tacaalayay isbitaalka Erdogan ee Muqdisho ayaa loo qaaday isbitaalo waa weyn oo kuyaala dalka turkiga si xaaladooda wax badan looga qabto.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray Sabtidii Injineerada iyo shaqaalaha Turkida ee ku howlan dhismaha laamiga isku xira Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -