Abiy Ahmed oo Indhihiisa kusoo arkay abaaraha saameeyey degaanka Soomaalida (Daawo Sawirro)

Mas’uuliyiinta u sareysa Xukuumadda federaalka Itoobiya iyo kuwa Degaanka Soomaalida ayaa booqday bulshada ay abaartu saamaysay ee ku nool duleedka Qabri-bayax.

Dr. Abiy Axmed Raisal Wasaaraha Itoobiya Madaxweyneha DDS Mudane Mustafe Muxumad Cumar iyo masuuliyiin sare oo ka socday Dawladda Dhexe ayaa gaaray maanta duleedka Degmada Qabri-bayax oo ay ku sugan yihiin boqollaal qoys oo ka soo barakacay abaaraha.

Masuuliyiinta ayaa u kuur-galay xaaladda abaarta ee ka jirta Deegaanka, gaar ahaan qaar kamid ah bulshada ay saamaysay abaartu waxayna ka dhagaysteen tabashooyinkooda.

Masuuliyiinta oo bulshada la hadlayay ayaa sheegay in qorshahoodu yahay badbaadinta nafaha dadka, ka-hortagga nafaqo darada iyo badbaadinta xoolaha, taasoo ay sheegeen in la wado qorshayaal dhab ah oo lagu hirgelinayo.

- Advertisement -