Allbanaadir.com
NEWS

Danjire Fardowso Qanyare oo lagu soo dhaweeyay Kampala (Sawirro)

Danjiraha dowladda Soomaaliya u magacawday wadanka Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare , ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi.

Masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee magaalada Kampala iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan , ayaa ka qaybgalay soo dhawaynta maanta loo sameeyay Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare.

Amb. Fardowsa Qanyare ayaa ka mahadcelisay soo dhawaynta loo sameeyay, iyadoo sheegtay in ay ku shaqayn doonto aragtida Madaxwaynaha JFS ee ku aaddan u adeegidda umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaalida ku nool dalka Uganda.

Sidoo kale Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare Afrax , ayaa bulshada u gudbisay salaan diirran oo ay ka waday Madaxwayanah JFS, Ra’suul Wasaaraha XFS iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Related posts

Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo nidaam cusub ku soo kordhisay adeega ay bixiso

Caydiid Ali

(Daawo) Soomaalida Beljium oo aragtiyo iska horjeeda ka bixiyey waxqabadka safaarada

admin

Dilal caawa ka dhacay Ceelasha Biyaha iyo amniga degaanka oo laga deyrinayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---