Allbanaadir.com
NEWS

Weerar la qorsheenayo in lagu qaado Belarus iyo Ruushka oo nukliyeerka rakibtay

Dagaalka u dhaxeeya dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa laga cabsi qabaa in uu isku beddelo dagaalka saddexaad ee dunidda, waxaana dagaalka uu hadda yeeshay waji cusub , kaddib markii ciidamada Ukraine bilaabeen adeegsiga gantaallada riddada dheer ee loogu deeqay.

Wakaaladaha wararka Ruushka ee RIA Novosti, ayaa baahiyay in afar gobol oo katirsan dalka Belarus xilligan ka jirto cabsi la xariirta in ay weerar kusoo qaadaan dagaalyahanno hubeysan oo mucaarad ku ah dowladda Belarus ee saaxiibka dhaw la ah Ruushka.

Kooxdan hubeysan ee halista ku ah dowladda Belarus , ayaa la sheegay in lagu soo tababaray laguna soo diyaariyay dalka Poland, waxaana kooxdan weerarka gacan ku siinaya kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo taageerayaan Gaashaanbuurta NATO iyo Ukraine.

Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko, oo ah saaxiibka koobaad ee Madaxweyne Putin, ayaa la wadaagay xogta weerarka la qorsheenayo, waxa uuna Madaxweynaha Belarus ka codsaday dhigiisa Ruushka in uu taageero tallaabadana ka qaado dowladaha weerarkan abaabulaya.

Siyaasadda nukliyeerka Ruushka ayaa lagu soo daray weerar kasta oo ka dhaca dhulka Belarus in ay la mid tahay weerar ka dhacay dhulka Ruushka oo loo adeegsan karo dhinacyada soo weerarra hubka halista badan  oo nukliyeerka ku jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenka Xukuumada Somalia iyo Weriye caan ah oo ka mid noqday dhaawacyada SYL

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan muhiim ah la qaatay Paul Kahuria

Cabdi Cade

FBI-da Mareykanka oo ka heshay guriga Donald Trump Dukumiintiyo badan oo Sir ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---