Allbanaadir.com
NEWS

Shacab ku dhamaaday qarax ka dhacay duleedka Afgooye

Gaari nooca loo yaqaano Probox oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa qarax miino waxay kula kacday gobolka Sh/hoose gaar ahaan duleedka degmada Afgooye.

Sida wararku sheegayaan gaarigan oo ku sii jeeday degmada Wanle-weyn ayey miino wadada dhinaceeda lagu aasay waxay kula kacday degaanka Doonka ee duleedka degmada Afgooye.

Waxaa gaariga la socday dad shacab ah oo oo iskugu jiray rag iyo haween.

Afar qof oo ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee la socday gaarigan ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen qaraxaas, kuwaasoo uu ku jiray darawalka, halka 3 kale ay dhaawacyo soo gaareen kuwaasoo loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray gaariga ay miinadu la kacday iyo jidka miinadaas la geliyey.

Goobtan ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo badan oo dhimasho iyo dhaawac u geystay dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidamada DF oo wadadaas ku safrayey.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay qaraxan haddana Al shabaab ayaa looga bartay qaraxyada noocan ah ee la geliyo wadooyinka

Related posts

Abshir Bukhaari oo sheegay inuu dacwad ka furayo dhalinyarada DF u qaaday Eritreya

Caydiid Ali

10 ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Caydiid Ali

Haweeney maalqabeen ah oo lagu riday Xukun dil ah iyo Dambiga ay gashay oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---