Allbanaadir.com
NEWS

10 ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Howlgal sifeyn ah oo maanta ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa  lagu dilay in ka badan 10 dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsanaa Al shabaab, iyadoo tiro intaas ka badan lagu dhaawacay howlgalka.

Warkan waxaa Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa maanta ka dhacay deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana gobolkaas ka socda howlgallo ka dhan ah al shababa ku sugan deegaanada fog-fog ee Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay shabaab ka soo badbaadiyaan ku dhowaad 20 gaari oo madax-furasho u heysteen iyo sidoo kale waxaa jira xubno lagu qabtay howlgalka ka socda Sh/Hoose, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Related posts

Qaramada Midoobay oo soo jeedisay in lakala qeybiyo Saxaraha Galbeed

Cabdi Cade

C/raxmaan Faroole oo eedeyn u jeediyey Raisul Wasaarihii hore ee Somalia

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka hor yimid qorshe cusub oo uu shaaciyey Raisul Wasaaraha Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---