Haweeney maalqabeen ah oo lagu riday Xukun dil ah iyo Dambiga ay gashay oo la shaaciyay

Haweeney maalqabeen ah oo u dhalatay dalka Vietnam ayaa lagu riday xukun dil ah, kaddib markii haweeneydan lagu helay in ay ku kacday musuq maasuq aad u weyn ay ku lunsatay lacag aad u fara badan.

Truong My Lan oo ah haweeney ganacsato ah oo ka shaqeysa beeca dhismooyinka ayaa maxkamad kutaalla magaalada magaalada Ho Chi Minh ku heshay in ay ka dambeysay lunsashada lacag gaareysa 40-bilyan oo dollar.

Lacagtan ayaana la sheegay in si farsameysan loogu dhacay bangiga Saigon muddo toban sanno ah, waxaana la sheegay in haweeneydan aheyd maskaxdii ka dambeysay in lacagtaasi tirada badan la xado.

Haweeneydan ganacsatada ah ayaa lagu eedeeyay in ay si dadban ula wareegtay milkiyadda in ka badan sagaashan boqolkiiba saamiyada baniga ka hor inta aysan si sharci darro ah u qaadan cadad badan oo deyn ah.

Dad kale oo ku dhaw 100-qof oo sidoo kale kiiskan ku lug lahaa ayaa iyana lagu riday xukunno kala duwan oo xabsi ah, waxa ayna dhacdadan noqotay middii ugu weyneyd oo musuq maasuq oo ka dhacda gudaha dalka Vietnam.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -