Allbanaadir.com
NEWS

NISA oo qabatay sargaal iyo nin kale oo Al Shabaab shaqo weyn u hayay (Sawirro)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban labo xubnood, kuwaa oo lagu eedeeyay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaayeen dhinaca sahanka.

Sirdoonka dalka oo hayay xogta raggan la qabtay isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto, iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay Al Shabaab ku dhibaateyso shacabka.

Labada nin ee la qabtay ayaa kala ah Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Al Shabaab u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda, kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yey ka amar qaataan Ciidamada Imaaraatka Tababareen ee ku sugan Muqdisho ?

Cabdi Cade

Soomaaliya oo kursi aan joogta aheyn ku yeelaneysa Golaha Amaanka iyada oon lagula tartamin

Cabdi Cade

Netanyahu oo amray in la weeraro magaalada Rafax xilli looga digayo Weerarkaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---