Yey ka amar qaataan Ciidamada Imaaraatka Tababareen ee ku sugan Muqdisho ?

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Generaal Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod ayaa ka hadlay dagaal khasaaro geestay oo maanta Isgooska Tarabuunka ku dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya.

Generaal Gorod ayaa sheegay in dagaalka maanta dhacay uu dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya, waxa uuna sheegay taliyaha in ciidamada dagaalamay ay isku qaldameen.

Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliya ayaa meesha ka saaray in ay jiraan ciidamo ka amar qaata Imaaraatka, waxa uuna sheegay in ciidankan ay tababareen Imaaraatka balse ay ka amar qaataan taliska ciidanka Xooga Soomaaliya.

” Waan ognahay ciidanka waxaa tababaray Imaaraatka balse ma ahan ciidamo ka amar qaata Imaaraatka, ciidankan waxa ay katirsan yihiin kana amar qaataan taliska ciidanka Xooga,hubka iyo dareeska ay xiran yihiin ciidamada waa kuwa xoogga dalka  ” Ayuu yiri Generaal Gorod.

Dad badan ayaa shaki galinaya in ciidamada Imaaraatka tababareen ee ku sugan Xero kutaala Muqdisho ay si toos ah u hoos tagaan taliska Ciidanka Milatariga, waxa ayna ciidankan degan yihiin xeryihii lagu tababaray.

Munaasabad sanadkii hore ka dhacday xerada ciidankan Imaaraatka ku tababareen ayaa lagu sheegay in ciidankan dowlada ka amar qaadato, waxaana ciidankan xiligaas lagu wareejiyay Ra’isul Wasaare Kheyre

Hadalka Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xili maanta Isgooska Tarabuunka ku dagaalameen ciidamo katirsan Xasilinta iyo ciidamo ay tababareen Imaaraatka , waxaana dagaalkan ku dhintay dad shacab ah iyo ciidankii dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -