Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Duqeymo culus oo galabta illaa caawa ka socda degaano ka tirsan gobolka Mudug

Degaanka Maamiye oo u dhaxeeya Tuulooyinka Camaara iyo Caad ee degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay duqeyn ay geysatay dayuurad loo badinayo iney leeyihiin ciidamada Maraykanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in duqeynta ay dhacday qorax dhacii galabta ayna dayuuuradan dhowr gantaal ku riday saldhig dagaalyahanada Shabaab ay deegaankaasi ku leeyihiin.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiro ayaa la sheegayaa in duqeyntan ay ka dhalatay inkastoo weli aan  tirakoob rasmi ah laga heynin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeymaha ay illaa caawa ka socdaan degaanadaas, lana maqlayo daryanka madaafiicda ay ridayaan dayuuradaha dagaalka.

Dhawaanahaan waxaa soo kordhaayay duqeymaha diyaaradaha Maraykanku ka geysanayaan degaanada ay gacanta ku haayaan Shabaab iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay shalay sheegtay in duqeyn lagu burburiyay Idaacad ku hadasha afka shabaab oo ku tiilay degmada Jilib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad yaab leh oo laga hirgeliyey waddanka Tunisia iyo shacabka oo ka qeyliyey

Caydiid Ali

Jabuuti oo jawaab ka bixisay eedeyntii kaga timid Dowladda Soomaaliya

Caydiid Ali

Khilaaf xoogan oo ka taagan Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---