Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Israel oo weerar dhulka ah ku galay Siiriya

Ciidanka Isra’iil ayaa galinkii dambe ee shalay howlgal dhulka ah ka fuliyay koonfurta dalka Suuriya

Waxay halkaaso ka soo afduubteen muwaadin Suuriyaan ah oo la sheegay inuu xiriir la leeyahay Iran, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Idaacadda taageerta xukuumadda Suuriya ee Sham FM ayaa dhankeeda xaqiijisay howlgalkan dhulka iyo afduubka ay ka fuliyeen ciidanka Israa’iil gudaha dhulka Suuriya, iyadoo ay noqonqayso howlgalkii u horreeyay ee noociisa ah oo ay Israa’iil ka fulinayso gudaha Suuriya.

Ma jirto hadal la xiriira howlgalkan oo ka soo baxay maamulka Bashar al-Assad.

Maalin ka hor Israa’iil ayaa sidan oo kale ka soo afduubatay waqooyiga Lubnaan, sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka badda Lubnaan, oo warbaahinta Israa’iil ay ku sheegtay inuu yahay tababare ciidanka badda ururka Xisbullah.

Related posts

(Yaa ku deeqay?) Wasiirad Fowsiya oo lagu wareejiyey Jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan..

Caydiid Ali

Nin kooxda Daacish u qaabilsanaa Lacag kala gudbinta oo Xukun Adag lagu riday

Cabdi Cade

Waa kuma danjiraha cusub ee Maraykanku u soo Magacaabayo Soomaaliya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---