Waa kuma danjiraha cusub ee Maraykanku u soo Magacaabayo Soomaaliya?

Waxaa lagu wadaa in todobaadkan uu Madaxweyne Biden ku dhawaaqo safiirka cusub ee Maraykanka u fadhin doona Somalia

Larry Edward André Jr. ayaa bedeli doona Donald Yamamoto oo hadda safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya sida uu baahhiyey telefishinka CNN oo soo xiganaya ilo diblomaasiyadeed oo ku dhow Aqalka cad.

danjiraha cusub oo dhashay 1961-dii ayaa la sheegay inuu diblomaasiyadda ku jiray 30-kii sano ugu dambeeysay.

Waxaa uu mar ahaa safiirka Mareykanka u fadhiya Djibouti inta u dhaxeysay 2017-2021. Waxaa kale uu horay Mareykanka u  matalay Mauritania  2014 ilaa 2017.

Larry André ayaa dadka yaqaana axay ku sifeeyeen diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, sababtaas awgeedna waxaa laga yaabaa in DF ay cadaadis badan kala kulanto, maadaama ay meesha ka saartay doorashadii, muddo kororsi labo sanoahna sameysatay.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili maalmo ka hor Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanku ku hanjabtay tallaabooyin ay ka mid yihiin cunaqabateyn iyo xanibaado kale oo ka dhan ah madaxda dowladda hadii ay ka laaban waayaan muddo kororsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -