Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo la kulmay guddi shaqo muhiim ah loo xil saaray (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Xarunta madaxtooyada Jubbaland ee kutaalla magaalada Kismaayo ku qaabilay guddiga dib-u-dhiska buundooyinka bur buray ee kuyaalla gobolka Gedo.

Guddigan oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ayaa ka shaqaynaya sidii isku tashi bulsho loogu bilaabi lahaa howlaha dib loogu dhisayo buundooyinka gobolka ee ku burburay roobabkii u danbeeyay ee ku dhuftay inta badan dalka.

Madaxweynaha ayaa guddiga ka dhagaystay dadaalka ay wadaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee la xiriira sidii loogu istaagi lahaa dhismaha Buundooyinkan muhiimka u ah ganacsiga iyo isku socodka bulshada.

Waxaa Madaxweynahu uu tilmaamay in marka lasoo dhameeyo ololaha hada socda khuburo loo saari doono qiimaynta shaqada iyo sida ugu macquulsan ee dib loogu dhisi karo buundooyinka burburay isla markana dadweynaha iyo maamulka Jubaland oo iskaashanaya ay si wadajir ah u bilaabi doonan dhismaha Buundooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Ruushka oo Magaalo Istaraatiiji ah kala wareegay Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali

Warqad uu qoray nin ka badbaaday markabkii Titanic oo lagu iibsaday lacag dhan…

Cabdi Cade

Dowlada Liibiya oo si caro leh uga hadashay go’aankii ka soo baxay dowlada Masar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---