Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Ruushka oo Magaalo Istaraatiiji ah kala wareegay Ukraine (Sawirro)

Milatariga Ruushka ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Istaraatejiga ah ee Lyman oo ku taalla gobolka Donetsk ee bariga dalka Ukraine, magaaladan ayaa ah magaalo muhiim u ah dhinaca isku xidhka adeegga tareenada. Qabsashadan ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhida dalka Ruushka.

Qabsashada magaaladan waxaa iska kaashaday ciidamada milatariga Ruushka iyo maleeshiyada ka dagaalanka gobolka Donetsk ee DRP. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa markii ay ka hadlaysay inay qabsadeen magaaladan, waxay ugu yeedheen magaca Ruushka ee magaaladan loogu yeedho oo ah Krasny Liman.

La wareegitaanka magaalada Lyman ayaa u gogol xaadheysa in Ruushku uu bilaabo wejiga xiga ee weerarkooda gobolka Donbas. Magaaladan ayaa waxay 40 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan tahay Sievierodonetsk, oo ah magaalada ugu wayn gobolka Donbas halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan ciidamada Ukraine.

Sievierodonetsk, oo haatan ah bartilmaameedka ugu weyn ee Moscow, ayaa hadda lagu hayaa weerar culus. Guddoomiyaha gobolka Luhansk, ayaa sheegay Jimcihii in ciidamada Ruushka ay galeen magaalada Sievierodonetsk.

“Haddii Ruushku uu ku guuleysto in uu la wareego aagaggaas, waxay u badan tahay in Kremlin-ka ay u arki doonto guulo siyaasadeed oo la taaban karo, iyaga oo heli doona guulo ay la wadaagaan shacabkooda, iyaga oo u qiil samaynaya duullaankooda” sidaas waxaa sheegtay wasaaradda difaaca ee Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanadii lagu xiray Nairobi oo ka hadlay safarkii ay ku tageen Muqdisho

Caydiid Ali

Soomaaliya oo Qodobo adag hor dhigeysa Shirka Ururka IGAD ee Maanta furmaya 

Cabdi Cade

Labo Nin oo lagu soo qabtay dagaal ka dhacay Dayniile oo xukun lagu riday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---