Allbanaadir.com
NEWS

Israa’il oo War kasoo saartay Weerarkii Iran Hanjabaad cusubna dirtay

Milatariga Israa’iil ayaa shaaciyay in weerarkii dhinaca cirka ahaa ee ku qaadeen dalka Iran uu ahaa qeyb kamid ah jawaab celinta weerarkii ay Iran horey ugu qaaday Israa’iil, waxa ayna ku hanjabeen in ay qaadi doonaan weeraro kale oo kuwii saakay kasii daran.

Afhayeenka militariga Israa’iil Daniel Hagari, ayaa xaqiijiyay in duqeymaha aargoosiga ah ee Israa’iil ay ku hayso Iran la soo gabagabeeyay, waxa uuna xusay intii ay duqeymaha socdeen in ay beegsadeen bartilmaameedyo milatari oo kuyaalla gudaha Iran. .

“Waxaan saakay qaadnay weeraro toos ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo militari oo gudaha Iran ah – waxaanan ka hortagnay hanjabaado degdeg ah oo ku wajahan dowladda iyo shacabka Israa’iil,” ayuu yiri Daniel Hagari,.

Afhayeenka milatariga Israa’iil , ayaa uga digay dowladda Iran in Israa’iil ay diyaar u tahay inay duqeyso bartilmaameedyo kale oo dalkaasi ah haddii loo baahdo, waxa uuna xusay in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo usoo hanjabta ama soo weerarta.

“Waan ogaan doonaa sida loo doorto bartilmaameedyo dheeri ah… oo aan garaacno haddii loo baahdo. Tani waa fariin cad, qof kasta oo u hanjabaya Israa’iil, wuxuu a kulmi doonaa ciqaab culus oo dhankeena uga timaada ” ayuu yiri afhayeenka milatariga Israa’iil.

Iran ayaan wali shaacin khasaaraha kasoo gaaray weerarkii saakay aroor hore Israa’iil ka fulisay bartilmaameedyo kuyaalla Iran, waxaana la sheegay in diyaarado aad u badan duqeeyeen xarumo milatari oo kuyaalla gudaha Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Senator caan ah oo katirsanaa Aqalka Sare oo goordhaw geeriyooday

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo War kasoo saartay Qaraxii lagu weeraray Makhaayada Luul Yameni

Cabdi Cade

Wax badan Ka Ogow Qaabka Ay Shirkadda Soma Oil & Gas Ku Xulatay 12 Block oo Shidaalka Somalia kamid ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---