Dowlada Turkiga oo War kasoo saartay Qaraxii lagu weeraray Makhaayada Luul Yameni

Dowlada Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareesay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu weeraray makhaayada Luul Yemeni ee Muqdisho.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda dowlada Turkiga ayaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho si kulul u cambaareenayaan qaraxaasi.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun ee argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay, Waxaan mar kale carrabka ku adkeyneynaa inaan sii wadi doonno garab istaagga dadka walaalaha ah e Soomaaliya ee dagaalka ay kula jira argagixisada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Turkiga.

Qaraxa xalay lagu weeraray makhaayada Luul Yameni ee ku dhegan Dekadda Muqdisho ayaa sababay geerida ku dhawaad 20-qof oo isugu jira shacab ,ciidan iyo dad kale oo dowlada u shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -