Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay marxaladaha uu soo maray qorshaha Sahminta Shidaalka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirasaaq Cumar Maxamed, ayaa ka warbixiyay marxaladaha kala duwan ee uu soo maray qorshaha sahminta shidaalka, isaga oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay dekedda Muqdisho si loogu soo dhaweeyo Markabka ORUC REIS oo ah markab u xil-saaran sahminta shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dadaalladan ay billowdeen sanadkii 2013, xilligaas oo uu madaxweyne dalka ka ahaa Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xusay in barnaamijkan uu haatan marayo heerkii ugu dambeeyay ka hor inta aan la bilaabin qodista shidaalka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirku sheegay in qodista shidaalka ay noqon doonto tallaabada xigta ee la sugayo, kaddib marka la soo saaro natiijada baarista ee 3D seismic, taas oo go’aamin doonta macluumaadka goobaha shidaalka laga heli karo.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dhammaan masuuliyiinta iyo madaxda kale ee ka qeyb qaatay hirgelinta barnaamijkan, kuwaas oo uu ugu horreeyo madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xuska 26-ka Juun oo caawa Dhuusamareeb lagu qabtay & RW Khayre oo ka qeyb galay

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo amaanay arrin ka dhacday Laascaanod, baaqna u diray Somaliland

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo nin 70 jir ah ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Tayeeglow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---