Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo la loodin waayey & Shirka Golaha wadatashiga oo..

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu gudoominaayo Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si habsami leh uga socdo  xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho,

iyadoo maantana uu galay maalintii afaraad ay madaxda heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Kulamadii maanta ayaa waxa ay ahaayeen kulan doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey gudiyo farsamo, kuwaasoo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka Golaha.

Inkastoo Madaxweynaha Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe uu qaatay fasax ku aadan ka qeybgalka xafladda sanadguurada Hirshabelle balse waxa uu ku soo biiri doonaa kulamada berrito lagu balansan yahay.

“Kulamada GWQ waa kuwo ku socdo si habsami leh, waxaana  rajeynayaa in dhawaan si wada jir ay loo soo saari doono hishiis siyaasadeed iyo qodobo muhiim u ah nidaamka dowlad-dhiska Soomaaliya’’ sidaasi waxaa yiri C/raxmaan Xudeyfi Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Jubbaland, Axmad Madoobe, iyo madaxda dowladda Federaalka.

Axmad Madoobe ayaa si cad u diidey inuu beddelo mowqifkiisa ku aaddan nooca doorashada ee Villa Somalia ku adkeysaneyso oo ah doorasho dadweyne.

Wararka ayaa sheegaya in kadib markii Madaxweynaha Jubaland diidey qorshaha Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse, ay madaxda Villa Somalia u direen madaxda seddexda maamul goboleed ee horey u aqbalay qorshahaas, si ay u qanciyaan Axmad Madoobe. Hase yeeshee, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Axmad Madoobe uu ku gacan seyray dadaalladii lagu rabay in lagu qanciyo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka  oo galay maalintii afaraad  ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta berito ah.

 

Related posts

Wasiirka Maaliyada & taliska Xoogga dalka oo qorshe muhiim ah ka wada hadlay

Caydiid Ali

Ganacsatada iyo dadka kale ee dekadda iyo garoonka Muqdidho wax kala soo dega oo lagu xiray in ay…

Cabdi Cade

Shacabka Switzerland oo u codeeyey sharci ka dhan ah haweenka Muslimiinta

Caydiid Ali