Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo dilay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa fuliyay howlgal lagu dilay in ka badan 24  xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaa oo ku dhuumaaleesanayay deegaan katirsan gobolka Shabeekaha Hoose.

Howlgalkan oo ay fuluyeen ciidanka guutada 7-aad ayaa laga fuliyay deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow , waxa ayna ciidamada si gaadmo ugu dul dhaceen xubno katirsanaa Al Shabaab oo weerar argagaxiso qorsheenayay.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay in kabadan 24 xubnood oo katirsan Al Shabaab , sidoo kale lagu dhaawacay tiro kabadan 30 xubnood, waxaa sidoo kale ciidamada gubeen gaari caasi ah oo ay wateen Shabaabka la weeraray.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa fuliya howlgalo gaadmo ah oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana howlgallo badan oo la fuliyay lagu dilay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Related posts

Shirkada Somtel oo soo bandhigtay Adeegyo cusub oo baahi badan loo qabay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ex-Wasiir Islow oo jawaab culus siiyey Cabdisaciid

Caydiid Ali

Xubno ka tirsan Mucaaradka oo ka baxay dalka & Khilaaf soo kala dhex galay Rooble & Guuleed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---