Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo askartii u horeysay looga dilay gudaha Lubnan

Iska horimaad u dhaxeeya Xisbullah iyo ciidanka Israa’iil ee ku sugan xudduud Lubnaan, ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan oo gaaray ciidanka Israa’iil, kuwaasoo dhaawacyadooda la gaarsiiyay saddex isbitaal oo ku yaalla gudaha Israa’iil

Waxaa la sheegay inta uu iska horimaadka socday inay Xisbullah adeegsatay duqeyn iyo rasaas, sida ay ku warrantay Al Jazeera oo xiganaysa warbaahinta Israa’iil.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12  ayaa sida ay Al Jazeera ka soo xigatay, wuxuu shaaciyay askarigii saddexaad oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Israa’iil oo loogu yeero Egoz  in lagu dilay xadka Lubnaan

Tani waxay ka dambeysay weerarro iska caabin ah oo ay kala hortageen guutooyinka Xisbullah ee Radwan isku dayga ciidanka Israa’iil ay ku doonayaan inay ku soo galaan gudaha koonfurta Lubnaan.

Saacad ka hor ciidanka Israa’iil ayaa shaaciyay in sarkaal sare oo kumaandoos ah looga dilay xadka Lubnaan.  In ka badan 18 askari ayaana la sheegay tan iyo saakay in lagu dhaawacay xadka Lubnaan.

Waa iska horimaadkii u horreyay ee toos ah oo dhexmaraya Xisbullah iyo Israa’iil, tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii labada dhinac ee sannadkii 2006-dii.

 

Related posts

Xaalad adag oo gudaha Mareykanka ka soo wajahday isticmaalka facebook

Caydiid Ali

Maxaa maanta ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo? (Daawo Video)

admin

Raggii loo heystay dilka & kufsiga Hodan Shanlayste oo xukun lama filaan ah lagu riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---